Monday, May 17, 2010

shariif oo balan qaaday xukuumad cusub

Muqdisho: 17, May.10 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta isaga oo uu garabfadhiyo gudoomiyihii hore ee Barlamanka KMG shir jaraa’id ku qabtay Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu soo magacaabi doono Xukuumad waxtar leh oo waxbadan ka qabata dhibaatooyinka ka jira wadanka Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG waxaa uu soo dhaweeyay iscasiladii uu sameeyay gudoomiyihii hore ee Barlamanka isagoo sheegay in maalmaha soo aadan uu uu dhisi doono xukuumad uu ka mid yahay Sheekh Aadan Madoobe.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu cudur daar ka bixiyay dhibaatooyinka joogtada ka noqday Magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay Muqdisho, isagoo sheegay in loo baahanyahay in Barlamanka iyo xubnaha dowladda ay midoobaan si looga hortago dhibaatooyin uu sheegay in Soomaaliya ay ku hayaan Al qaacida iyo dad taageersan sida uu hadalka u dhigay.

Shalay ayey aheeyd Markii gudoomiyihii hore ee Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe uu ku dhawaaqay in ay dhacday xukuumadii KMG kadib markii uu ku eedeeyay in wasiiro ka tirsan xukuumada ay masuul ka ahaayeen buuqii iyo saxawankii hareeyay kalfadhigii Barlamanka ee Shalay ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

No comments: